European Association Muslim

European Association Muslim (EMA) waa dalad urur oo aan macaash doonka ahayn,dacwi ah lagu aasaasay 2013 waddanka Finland waqtigaas oo ay isugu tageen aqoonyahano ka kala yimid waddamada skandanevianka halkaas oo lagu go’aan saday yagleelida jamciyadaan  Ema.Waxaa laga diiwaan galiyey waddanka Sweden 2015 lambarka Aqoonsiga :802496-1768 .

Cinwaan booqashada Xafiiska:European Muslim Assocation

Rinkebytorget 2 , 163 73 Spånga

Cinwaanka waraaqaha: Box 5092 , 163 05 Spånga .

Tel: 073-745 48 04

E -mail: info@emanordic.com ama emasverige@gmail.com

 

 Ujeedada Jamciyada Ema :

1- In ay u istaagto sidii ay u horumarin lahayd xubnaha jamciyada ka tirsan iyo   ururadda xubnaha ka ah sida .

  • Gaarsiinta dacwada Islaamiga ah oo baraxla dadka ku nool Yurub.
  •  Kobcinta iyo mideynta waxqabadka Ururadda xubnaha ka ah jamciyada Ema iyo uqareemida danahooda.
  • Suura-gelinta wadashaqayneed iyo khibrad wadaag dhexmarta ururradda, xubnaha ka tirsan jamciyada Ema iyo kuwa la hadafkaa.
  •   Ka shaqaynta isfahamka iyo midnimadda ummada Soomaaliyeed ee ku 
dhaqan Yurub .
  •  Baadi goobka maslaxadda umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub.
  •  Inuu hormuud ka noqdo barwaaqaynta umadda soomaaliyeed.
  •   ka qaybqaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalkii hooyo ee dhinacyada 
arimaha bulshada.
  •  Ka badbaadinta umadda Soomaaliyeed mabaadii’da qaloocan iyo manaahijta qaloocan.
  • Dhiirigalinta dadka aqoonyahankaa  sidii ummadda loo ga saari lahaa kala qoqobka.
  • Xoojinta xiriirka iyo Isku xirka mujtamaca soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo Soomaaliya.

 

Muuqaalka Ema:

Jamciyada European Muslim Association (EMA)  muqaal dhismeedkeedu waxuu  ka kooban yahay Golaha wakiilada iyo guddiga fulinta.

  • Golaha wakiilada: waxuu ka kooban yahay ergo ka kala timaada ururada xubnaha ka ah jamciyada,oo loo qaybiyo dalkasta oo xubin ah in uu leeyahay 4 xubnood .
  • Guddiga fulinta: waxuu ka kooban yahay ( Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, Xoghayn, dhaqaalaha,Arimaha bulshada.)

 

Gudiga  Ema:

Guddiga Ema waxuu ka kooban yahay koox shaqooyin kala duwan  iyo khibrad kala duwan Jamciyada u qabta:

Hawlgalka Guddiga ayaa ugu horrayn waxa uu yahay in la xoojiyo oo la   dhiirigeliyo hawlaha EMA   iyo in  ay u khidmayso bulshada soomaliyeed dhamaan si hufan.

 Guddoomiye: Mukhtar Abdulahi Arab

Guddoomiye Ku-xigeen: Hussein Hassan Hersi

Xoghayaha/xiriirka: Said Mohamed Yusuf

khasnajiga : Abdulkadir Mohammed Xalane

Xubin Maamulka :Abdi Mohamed Abdi

 

Xubinnimada:EMA

Sida  aad uga qay noqoto hawlaha muhiimkaa ee ay u qabato jamciyada Ema bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Europe .Waxaan kugu soo dhawnayaaa in aad xubin ka noqoto jamciyada Ema  , waxaa kale oo  lagugu soo dhaweynayaa in aad ka qayb qaato hawlaha aan qabano . Qof kasta oo xubin ka noqda jamciyada Ema kadib markuu buuxiyo shuruuda xubinimadka waa in uu bixiyaa  lacagta xubinnimada oo ah 100kr bishii waxaana lagu bixinayaa kontada jamciyada oo aad outomatik ugu shubaysaa lacagta kontaduna waa:

btn_donateCC_LGSwedbank :8327-9,944865670-3 .

Ama  Swish nummer: 1234273918

Ha ka waaban inaad nala soo xiriirto haddii aad qabto su’aalo ama fikrad hayso  waa soo dhaweyneynaa  !

Riix halkan si aad u hesho foomka Xubinimada: Autogiroblanket-ema (3)

info@emanordic.com       eller      emasverige@gmail.com