11-1Waxaa heshiis dhanka waxbarashada wada saxiixday Musasada  EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION (EMA ) iyo Jaamacada Islaamiga ee Al-Madiina Al-Caalamiya ee dalka Malesia  waxaana heshiisku uu guul weyn u yahay Musasada EMA oo ah Musaso ka howlgashha kuna mideysan yihiin qaar ka mid ah Maraakista wadamada Nordic .

Musasada EMA waxaa ay xarunteedu tahay wadanka Sweden waxayna ka kooban tahay musasadu Gole Tanfiid iyo Gole Shuure.

Caalamaka aan maanta aan  noolnahay wuxuu ku dhisanyahay iskaashi & isku tiirsanaan.

2012 ayaa wadamada Nordic safar dacwo waxaa ku yimid wafdi culumo ah oo ay hogaaminayaan Sh. Maxamed Cabdi Umal & Sh. Maxamed Idriis, culimadu waxay ducaadda Wadamada Nordic-ka u soo jeediyeen talooyinkan .

1-Inay awoodooda mideeyaan, iskana kaashadaan dacwada
2- Inay samaystaan mu`asaso sharci ah oo ka diiwaan gashan wadamada Nordic
3-Inay xoog saaraan dacwada jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Nordic

4-In ay la jaan qaadaan dacwada muàsaatiga ah dalkii & diabada  ka hana qaaday.

22/11/2012 waxaa kulankii koowaad isugu tagay Helsinki-Finnland qaar ka mida ducaadda & culimada wadamada ay fariinta culimadu ku socotay. Kulankaas waxaa la isku raacay in dhidibada loo aaso waxaana la isku raacay in magacaga musasadu uu noqdo  EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION ( EMA) Kulankaas waxaa ka qayb galay walaalo ka kala socoday wadamada Finnland, Sweden & Denmark.

Intaas ka dib EMA waxay qabatay hawlo muhiim ah &  kulamo dhawr ah oo dhammaantood ahaa dhidibo u taagiida EMA kulankii u danbeeyay ee EMA wuxuu ka dhacay Sweden- Våstrås, kulankaan oo ahaa mid aad xooga loogu saaray sidii EMA loo hormarin lahaa.

Musasat EUROPIAN MUSLIM ASSOCIATION ( EMA waxaa laga diiwaan galiyey si sharci ah wadamad Nordic-ka  waxaana ay muhimadeedu tahay faafinta Dacwada Islaamka ee saxda ah.

Heshiiska Musasada Ema ay la gashay Jaamacada Islaamiga ee Al-Madiina Al-Caalamiya waxaa u saxiixay Sheekh Dr Cabdi weli Maxamed Xaji Yuusuf oo ah xubin ka tirsan Golaha Shuurada ee musada Ema .

Heshiiska ay la Gashay Ema Jaamacada Madiina Al-Caalamiya ayaa waxaa sidoo kale muhiim uu u yahay dhamaan jaaliayaha Islaamka ee ku dhan Yurub ee raba in ay galaan qeybaha kala duwan ee Jaamacada Islaamiga ee Madiina